Since 1960 – ururka solja oo jaraa’idada , tv-yada iyo idaacada u qaybiyay printaro iyo kamarado

Ururka SOLJA oo Jaraa’idada , TV-yada iyo Idaacada u Qaybiyay Printaro iyo Kamarado

Thursday, 03 April 2008

Hargeysa (SN)- Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise ‘’Shiine’’ iyo Xoghayaha guud ee Ururkaasi Muuse X. Muxumed Guuleed ‘’Muuse Inji’’, ayaa hay’adaha warbaahinta qaarkood gudoonsiiyay agab kala gedisan.

Xafladii gudoonsiinta qalabkaasi oo ay ka soo qayb galeen Madaxda hay’adaha warbaahinta waxa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Urur Saxaafadeedka kale ee SSWJ Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Qalabkaasi oo isugu jiray Kamarado  iyo Printarada Computerka waxa ka hadlay Gudoomiyaha Ururka SOLJA Mustafe Cabdi Ciise , oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qalabkani uu qayb ka yahay Barnaamij ay kor ugu qaadayaan tayada wax soo saarka warbaahinta maxaliga ah.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay inay rajaynayaan in ay tayeeyaan xirfada suxufiyiinta ka hawl gala qalabka warbaahinta.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in suxufiyiin reer Somaliland ah ay tababaro dibadeed ugu direen dalka Kenya , isla markaana ay rajaynayaan in ay tababaro kale ay u diraan suxufiyiin iyo sawir qaadayaal ka tirsan qalabka warbaahinta.

Xoghayaha guud ee Ururkaasi Muuse Inji ayaa isna hay’adaha warbaahinta u soo jeediyay in ay ilaashadaan , isla markaana hawl maalmeedkooda shaqo ay uga faa’iidaystaan qalabkaasi , waxana uu xusay in ay sii wadayaan qalabaynta hay’adaha Warbaahinta.

Waxa isaguna halkaasi erayo mahad naq ah ka jeediyay Madaxda hay’adaha Warbaahinta iyo Gudoomiyaha Ururka Qorayaasha Madaxa banaan ee Somaliland SSJW .

Somalilandnation.com

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *